Real Madrid oo Guul wayn misane Muhiim ah ka gaartay Valencia….+SAWIRRO

(Spain) 27 Jan 2018. Real Madrid ayaa guul muhiim ah ka gaartay Valencia horyaalka La Liga kaddib markii ay kaga adkaatay 4-1.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0.

Cristiano Ronaldo ayaa diilinta ganaaxa waxaa ku dhex jilaafeeyay Martin Montoya daqiiqadii 16-aad, xiddiga reer Portugal ayaana gool u badelay.

Intaan la marin qeybta hore ee ciyaarta daqiiqadii 38-aad Ronaldo ayaa dhaliyay Rigoore kale, waxaana markale qalad galay Montoya balse wuxuu markan jilaafeeyay Karim Benzema.

Cr7 ayaana gool u badelay taa oo ka dhigan inuu kulanka dhaliyay Rigooradiisii 100 iyo tiisii 101 ee dhammaan tartamada xulkiisa iyo kooxaha uu u soo ciyaaray.

Kooxda martida loo ahaa ee Valencia ayaa gool iska soo guday qeybta labaad ee ciyaarta. Santi Mina ayaa u dhaliyay daqiiqadii 58-aad.

Daafaca reer Brazil ee Marcelo ayaa goolka saddexaad u dhaliyay Real Madrid kaddib caawin uu ka helay da’yarka reer Spain ee Marco Asensio.

Toni Kroos ayaa goolka ku soo xiray daqiiqadii 89-aad kubbad qurux badneyd uu bannaanka ka soo jaray waxaana goolka ka caawiyay Mateo Kovacic.

SAWIRRO:

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close