Karim Benzema oo ogolaaday in uu ku biiro Arsenal

(Madrid) 27 Jan 2018. Waxaa lagu soo warramayaa in Karim Benzema ogolaaday ku biiridda Arsenal balse Gunners ay ka caga jiideyso bixinta qiimaha ay Real Madirid ku dooneyso weeraryahankeeda.

Arsenal waxa ay dooneysaa in ay £35m ka bixiso 30 jirka balse Real Madrid ayaa ku rabta £52.3m, sidaas waxaa qortay The Mirror.

Xilli kooxuhu wadahadallo ku wada jiraan, Benzema waxa uu Wenger u sheegay in uu doonayo ku biiridda Arsenal.

Laacibkii hore ee Lyon bandhig aad u hooseeya ayuu la soo baxay xilli ciyaareedkan waxa ayna Real Madrid 19 ka dhibcood La Liga ka hooseysaa Barcelona.

Zidane waxa uu qorsheenayaa in uu xiddiggo badan ka diro Real Madrid xagaaga, weerarka waa ahniyaddiisa ugu weyn.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close