Inter oo saxiixa Daniel Sturridge kala heshiisay Liverpool

(Milan) 27 Jan 2018 Kooxda reer talyaani ee Inter Milan ayaa heshiis la gaartay Liverpool si ay ula wareegto weerar yahanka dhaawaca badan ee Daniel Sturridge.

LiverpoolEcho ayaa baahisay in Inter Milan ay amaah ku qaadanayso Daniel Sturridge inta ka harsan xiliciyaareed kaan, waxayna fursad u haystaan inay wada iibsan karaan haddii uu la qabsado kooxda.

Image result for daniel sturridge inter

Inter ayaa amaahda ku bixinaysa lacag dhan 1.75 milyan oo euro, waxayna ku wada iibsan karaan dhamaadka xiliciyaareed kaan adduun dhan 25 milyan oo euro.

Daniel Sturridge ayaa doonaya inuu helo fursad uu si joogto ah ugu ciyaaro, si uu meel u saarto booskiisa koobka adduunka ee xulka qaranka ingiriiska.

Ma jiro ilaa haatan war rasmi ah oo ka soo baxay labada kooxood, balse wararka dhanka suuqa kala iibsiga ayaa sheegaya inuu jiro heshiis dhex maray labada kooxood.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close