Chelsea oo qiimahan dalab ahaan Dzeko uga gudbisay

(London) 27 Jan 2018. Sida wararku qabaan Chelsea waxa ay 26m oo dalab ah ka gudbisay Edin Dzeko.

31 jirka waxa uu toddobaadyadan ugu dambeeyey mid si weyn suuqa looga hadal hayo xill labada naadi ay wadaxaajood dheeraaday ku wada jiraan.

Hase ahaatee, agaasimaha Roma , Monchi waxa uu sheegay in dalab lagu qanci karo ka soo gaaray Dzeko.

Sida laga soo xiganayo Sky Sports, dhaliyihii hore ee Mancehster City waxa uu rabaa mushaar dhan £90,000 iyo heshiis dhacaya 2020-ka.

Chelsea waxaa lala xiriirinayey weeraryahano dhawr ah oo ay ka mid yihiin Andy Carroll iyo Ashley Barnes

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close