Weerarka Milan oo noqday midkii ugu xumaa muddo 30 sano ah! (Arag jadwalka)

(Milano) 26 Jan 2018 – Kooxda AC Milan ayaa xagaagii dhowaa suuqa kala iibsiga ku khasirtay lacago fara badan kuwaasoo ay kusoo iibsatey laacibiin koox dhan ah, haddii sida kale loo yiraahdo 11 xiddig,

Waxaa ka mid ahaa 2 weeraryahan oo isu gayn ahaan ku kacayay 70 milyan oo euro, balse weerarka Milan waa midka ugu liita Serie A, waana midkii ugu xumaa ee Milan soo mara muddo 30 sanadood ah, gaar ahaan, marka wax laga eego heerka uu haatan horyaalku marayo oo kala bar aan sidaa uga badnayn.

Tusaale ahaan, qannaaska Milan ugu safashada badani waa Nikola Kalinic wuxuuna horyaalka ka dhaliyey 4 gool oo qura, taasoo ka dhigtay hujuumkii Milan ugu xumaa muddo 30 sano ah.

Haddaba hoos ka eeg jadwalka weeraryahannadii Milan iyo goolasha ay dhaliyeen xilligan oo kale.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close