Monaco oo Juventus ku felistey saxiixa Pietro Pellegri

(Monte Carlo) 26 Jan 2018 – Kooxaha AS Monaco iyo Juventus ayaa iskula dheggan saxiixa muluqa 16-jirka ah ee Genoa ee Pietro Pellegri, iyadoo uu Sky Sport Italia qorayo inay kooxda Monaco ka cadcaddahay Juventus.

Qannaaskan oo 17-jirsanaya bisha Maarso, ayaa horraanba fasalkan saftay siddeed kulan oo Serie A oo uu ka dhaliyay 3 gool.

Balse sida uu sheegayo khabiirka suuqa ee Gianluca Di Marzio, waxaa sii kululaanaya dagaal dhanka gorgorada ah oo ay haatan ku horreeyso kooxda AS Monaco  oo u dhowaanaysa saxiixa Pellegri.

Sababtuna waxay tahay kooxda Monaco oo ogol €20m iyo €10m oo kale oo abaalmarin ah, halka Juventus oo maanta mar kale la kulantay Genoa ay wax ku rabto inta u dhexeeysa €10m ilaa €20m.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close