Javier Pastore oo kooxo waawayn diidey si uu ugu biiro Inter Milan

(Paris) 26 Jan 2018 – Javier Pastore ayaa iska diidey dalabyo kaga yimi kooxaha Liverpool, Sevilla, Valencia iyo Atletico Madrid maxaa yeelay wuxuu laacibka PSG kaliya doonayaa kooxda Inter.

Waxay laacibkan u noqonaysa dib ugu soo laabasho dhanka Serie A oo uu Argentine-kani ka dheeli jirey, kahor inta uusan Palermo uga wareegin kooxda Paris Saint-Germain xagaagii 2011.

Sida ay qorayaan FCInterNews.it, Sky Sport Italia iyo Mediaset Premium, Il Flaco ayay ka go’an tahay inuu ka dheelo San Siro, taasoo ka dhigan in Pastore miinka ka cuskaday kooxaha Liverpool, Sevilla, Valencia iyo Atletico Madrid.

Waxaa kaloo ay wararku sheegayaan inuu laacibku Nerazzurri la gaarey heshiiska shakhsiga ah kaasoo uu ku qaadanayo €4.5m iyo bareemiyo sanadkii taasoo isugayn ahaan dhan €6m oo euro.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close