Donald Trump oo loo soo bandhigay inuu tababare u noqdo Arsenal

(London) 26 Jan 2018 Piers Morgan oo ah wariye si wayn u taageera Arsenal ayaa waraysi xasaasi ah la yeeshay madaxwaynaha maraykanka ee Donald Trump.
Waraysiga kadib wuxuu hadiyad ahaan u siiyay funaanada kooxda Arsenal oo madaxwaynaha maraykanku uu taageero.
Wariye Morgan ayaa u soo bandhigay Donald Trump inuu badalo Arsene Wenger maadama uu awoodo inuu xoojiyo kooxda Arsenal.
*WORLD EXCLUSIVE*
The moment I invite President Trump to be Arsenal’s new manager – because he’d build a strong defensive wall, have an attacking philosophy & want to win big trophies at all costs.
See his hilarious response on Sunday night, ITV, 10pm. #TrumpMorgan pic.twitter.com/pVZdFD6N0J— Piers Morgan (@piersmorgan) January 26, 2018
Piers Morgan ayaa ku soo qoray bartiisa Twitter-ka:
“Xiligii aan ku casuumay madaxwayne Trump inuu noqdo tababaraha cusub ee Arsenal, waayo wuxuu dhisayaa difaac darbi ah oo adag, wuxuu leeyahay falsafad weerar, wuxuuna doonayaa inuu ku guulaysto koobab waa wayn wax walba oo ay ku qaadato, arag jawaabtiisa cajiibka ah habeenka axada”.
Wariyaha iyo madaxwayne Trump ayaa labaduba caan ku ah nacaybka tababaraha reer France ee Arsene Wenger.
Gool FM