XOG: Kooxda Chelsea oo gebi ahaanba faraha ka qaadaysa Dzeko iyo Emerson (Halkee u weecanaysaa?)

(London) 25 Jan 2018 – Waxaa soo baxayay warar sheegaya in Edin Dzeko uu iska caabinayo dalabaadka qaaliga ah ee kooxda Chelsea, balse waxaa kusoo darsamay haatan in Emerson Palmieri laftiisu uu ka caga jiidayo in uu Roma uga waydaarto dhanka Stamford Bridge.

Waxaa la filayay inay Blues gacanta ku dhigto heshiis labaaleey ah oo ay mar qura ku wada qaadanayso labadan laacib ee Giallorossi oo London ku tegi lahaa adduun dhan €55m oo euro iyo bareemiyo.

Yeelkeede, kaddib muddo uu heshiiskani jiitamey waxay haatan u muuqataa inuusan dhulkaba ka kici doonin, iyadoo uu shalay oo Arboco ahayd uu agaasimaha ciyaaraha ee Roma jaalle Monchi uu sheegay inuusan heshiiskani “xiise badnayn”, waxaana markiiba soo baxday in uu Dzeko dalbanayo qandaraas dheer oo jiraya ilaa Juun 2020.

Haatan ayuu Sky Sport Italia BAAHINAYAA in Chelsea ay gebi ahaanba faraha ka qaadayso labada laacib iyadoo taa biddaalkeeda Paris Saint-Germain waydiinaysa helitaanka Layvin Kurzawa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close