Tababaraha Dortmund oo qish ka bixiyey xaaladda dhaw ee Pierre-Emerick Aubameyang

(Dortmund) 26 Jan 2018. Tababaraha Borussia Dortmund Peter Stoger waxa uu albaabada u furay Pierre-Emerick Aubameyang si uu ugu soo laabto safkiisa kowaad kulanka Bundesliga ee Freiburg.

28 jirka waxaa laga reebay kulankii Hertha Berlin ee toddobaadkii tagay maadama xan badan ku hareereesneyn mustaqbalkiisa.

Arsenal ayaa xiiseeneysay xiddigga balse waxa ay hadda dib u gurasho ka sameysay qiimihiisa.

Stoger oo shir jaraa’id qabanayey kulanka kahor ayaa saxaafadda u sheegay: “Wuu tababartay toddobaadkan waxa uuna reebay muuqaal wanagasan. Wuu ka gudbay tijaabada safka kulanka waa haddii uu sidaas ku sii socdo.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close