Ramos oo difaacay Zidane isla markaana daaha ka qaaday cida masuulka ka ah in kooxdu ka harto Copa del Rey

(Madrid) 25 Jan 2018 Kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa ka hadlay xaalada xun ee ay ku jirto kooxdiisa kadib markii xalay laga reebay Copa del Rey.

Ramos ayaa sheegay in tababare Zidane oo kaliya aysan ahayn in dusha loo saaro dhibaatada haysata xiliciyaareed kaan kooxda.

Wuxuu intaa ku daray in dhamaan ciyaartoyda kooxda jooga ay iska leeyihiin masuuliyada guul darooyinka iyo xaalada xun ee ay ku jirto kooxda.

“Dhamaanteen ayaa masuul ka ah inaan ka harno Copa del Rey, waa inaan wax ka baranaa waqtiyada adag si aan awood u yeelano kadib” ayuu yiri Ramos.

“Waxaa haboon inaan u dagaalano koobka noo haray xiliciyaareed kaan kaas oo ah Champions League, waa inaan u hambalyeeynaa kooxdii soo baxday (Leganes)”.

“Aniga oo ixtiraamaya Leganes, inay na reebto koox naga tabar yar dhab ahaantii waa fashil, kadib xiliciyaareed koobab badan, waa ay adagtahay in la aqbalo waxa nagu dhacaya xiliciyaareed kaan, dhamaanteen ayaa masuul ka ah taas ee ma ahan kaliya tababaraha”.

“Ma haboona in la eedeeyo kaliya hal qof, qaladka anaga dhan ayaa iska leh waana inaan saxnaa, waa inaan u diyaar garownaa inaan qaab ciyaareed kan ka duwan ka soo muujinaa Champions league”.

“Zidane waan garab istaagnay waqtigii koobabka, waqtiga adagna waa inaan garab istaagnaa, haddii aan nahay ciyaartoyda kalsooni buuxda ayaan ku qabnaa Zidane”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close