Mohamed Elneny oo sii kululeeyay xurguftii kala dhexeysay Alexis Sanchez

(London) 25 Jan 2018 Laacibka Arsenal ee Mohamed Elneny ayaa sii kululeeyay xurguftii kala dhexeysay Alexis Sanchez oo isbuucaan ka tagay kooxda.

Waxaa la xusuustaa in Alexis Sanchez uu xiriirka u jaray wiilka reer Masar kadib markii bartiisa Twitter-ka uu soo dhigay hadal ku saabsan in Chile ay ka hartay koobka adduunka.

Laakiin waxaa gadaal dambe ka soo ifbaxay in xiriirka caadiyan u dhexeeya labada laacib uu yahay mid liita, taas oo ka sii dartay markii Sanchez uu ku biiray Manchester United.

Mohamed Elneny ayaa caawa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray: “Haatan waxaa jira ciyaartoy u dagaalamaya daqiiqad walba calaamada iyo taageerayaasha dartood”.

Hadalka laacibka reer Masar ayaa u muuqda mid ku wajahan Sanchez maadama uu dareensiinayay si walba oo uu u tago inay joogaan ciyaartoy difaacaya magaca Arsenal kadib guushii kooxdu ay ka gaartay Chelsea.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close