Cristiano Ronaldo oo Fariin dhiiro galin ah u soo diray Real Madrid iyo Taageerayaasheeda

(Madrid) 25 Jan 2018. Real Madrid ayaa xalay isaga soo hartay Cope del Rey kaddib guul daro lama filaan ah ay kala kulantay kooxda yar ee Leganes.

Ronaldo ayaa seegay kulanka sababo dhaawac isha ka gaaray kulankii La Liga ay 7-gool ku xaaqeen Deportivo.

Kooxda Zidane ayaa waxaa horey uga dhimatay rajada horyaalka La Liga maadaama ay 19-dhibcood u jiraan kooxda Barcelona.

Tartanka kaliya ee u furan Los Blancos ayaa ah Champions League oo ay iyana ku beegan tahay kooxda baryahaan car carka ah ee PSG.

Haddaba Cristiano Ronaldo ayaa aaminsan in xilli ciyaareedkoodu uusan weli dhiman isagoona bartiisa Twitter soo dhigay Fariin dhiiro galin ah.

“Horey u socda Kooxey, Horey u socda Madridistas,”

“Weli waxaan heysanaa dagaalo badan aan ku guuleysano.”.

Cad Cadka ayaa sabtida u safri doona Valencia oo kaalinta saddexaad kaga jirta horyaalka La Liga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close