Baabuurka Sanchez ayaa ka qaalisan dhammaan Baabuurta ay wataan kooxda Yeovil!!!

(Manchester) 25 Jan 2018. Baabuurka uu wato saxiixa cusub ee Manchester United Alexis Sanchez ayaa ka qaalisan dhammaan baabuurta ay wataan ciyaartoyda Yeovil ay Man United berito la ciyaari doonto FA Cup.

Jose Mourinho ayaa xaqiijiyay in weeraryahanka reer Chile uu kulankiisii ugu horreeyay berito u safan doono Red Devils.

Laacibka ugu mushaarka badan Premier League 505,000 oo bound usbuuciiba ayaa ku socda baabuur ku kacaya adduun dhan 150,000 oo bound.

Nuuciisu waa madoow waxaana loo yaqaanaa Bentley Continental GT, wuxuuna saacadiiba jarayaa 200-m.

The Sun ayaa soo qiimeysay Baabuurta 11-ka ciyaaryahan ee Yeovil kuwaa oo isku dar ku kacay 100,000 waana in 50,000 ka yar baabuurka Sanchez oo qura.

Si kastaba Manchester United ayaa xoogeeda isagu geyn doonta sidii ay uga adkaan lahayd kooxda yar isla markaana ugu gudbi lahayd wareega 5-aad ee FA Cup.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close