Xagee ku ogeyd Sagna?

(Benevento) 24 Jan 2018.Benevento ayaa la soo warinayaa in ay qarka u saaran tahay dhammeystirka saxiixa Bacary Sagna.

Tan iyo markii laga soo fasaxay Manchester City dhammaadkii kal hore. Sagna waxa uu ahaa bilaa wakiil balse iminka ayuu helay koox.

Sida laga soo xiganayo Corriere dello Sport, Sagna isaga ayaa isu bandhigay kooxda Serie A-ga oo dooneysa in ay nagi ku ahaato horyaalka heerka kowaad ee Italy.

Sida masiibo ah ayey ku bilowday ol’olehan Benevento balse 7 dhibcood oo ay ka heshay 3dii kulan ee ugu dambeeyey ayaa 8 dhibcood ka saramariyey saddexda hoose.

Xilli ciyaareedkii hore 25 kulan ayuu u saftay Manchester City 34 jirka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close