Roma oo ku ciriirineysa Milan iyo Napoli loolanka loogu jiro Gerard Deulofeu

(Rome) 24 Jan 2018. Garabka Barcelona, Gerard Deulofeu waxaa lagu soo warramayaa in uu bartilmaameed u noqday Roma.

Soo qaadashadii Barcelona ee Philippe Coutinho iyo soo labashada Demebele waxa ay ka dhigan tahay in uu boos kowaad ama fursadba ku diimi doono Deulofeu waxa ayna u badan tahay in la fasaxo.

Hore AC Milan iyo Napoli ayaa loola xiriirinayey laacibkii hore ee Everton.

Sida laga soo xiganayo La Gazzetta dello Sport, Roma ayaa dooneysa in ay laacibka geyso Olympico.

Barcelona waxa ay ku rabtaa xiddigga aduun dhan €20m (£17.45m).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close