Manchester United oo ay dhab ka tahay dhamaystirka saxiixa Jean Seri

(Manchester) 24 Jan 2018 Kadib saxiixii Alexis Sanchez, tababare Jose Mourinho ayaa doonaya inuu adkeeyo qadkiisa dhexe sida ay baahisay Sky Sports.

Manchester United ayaa si dhab ah u doonaysa soo xerogalinta laacibka qadka dhexe ee kooxda Nice, kaas oo ku fashilmay suuqii xaggaaga inuu ku biiro Barcelona.

Laakiin United ayaa doonaysa inay Old Trafford keento 26 jirka reer Ivory Coast inta uusa dhamaan suuqa kala iibsiga ee bishaan Janaayo.

Manchester United ayaa bixinaysa qiimaha lagu burburin karo qandaraaska Jean Seri kaas oo ah 33 milyan oo Ginni.

Jean Seri ayaa kula jira kooxdiisa Nice heshiis dhacaya 2019, 26 kulan ayuu u ciyaaray kooxdiisa xiliciyaareed kaan, wuxuu dhaliyay hal gool, wuxuuna caawiyay 6-kale.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close