Madaxwaynaha Real Madrid oo Ramos u xilsaaray inuu CASHO u kaxeeyo Ronaldo

(Madrid) 24 Jan 2018. Madaxwaynaha Real Madrid ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray xiddigaha waa wayn ee Real Madrid isagoo isku dayaya sidii dib loogu heli lahaa qaab ciyaareedka wacan ee Cristiano Ronaldo.

Sergio Ramos ayaa la kulmay Florentino Perez waxaana loo xilsaaray inuu xiddiga reer Portugal u kaxeeyo casho iyadoo ay la jireen xiddigaha sida Marcelo iyo Luka Modric.

Cashada ayaa looga gol lahaa in Ronaldo loo muujiyo Tix galin iyo in weli laga jecel yahay kooxda.

Sida ay sheegeyso Marca, cashadii loo waday Ronaldo oo ay wada qaateen xiddgaha waa wayn ee kooxda ayaa ka mid ahayd kulamo badan oo ay qaateen taa oo lagu eegayo sidii ay dib ugu heli lahaayeen qaab ciyaareedkooda wacan ee La Liga.

Camaaliqada Spain ayaa 19-dhibcood ka hooseysa kooxda ay sida wayn u coltamaan ee Barcelona. Afar guul darro ayaana durba soo gaartay horyaalka xilli ciyaareedkan.

Balse Cashadii dhaweyd ayaa u muuqata inay durba saameyn wayn sameysay maadaamay ay Los Blancos 7-1 ku qaarijisay Deportivo La Coruna xilli uu Ronaldo ka kacay Labo gool.

CR7 ayaa xilli ciyaareedkan La Liga ka dhaliyay lix gool oo qura marka lagu daro labadii gool uu dhawaan dhaliyay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close