Chelsea iyo Roma oo ka heshiiyey Dzeko

(Rome) 24 Jan 2018. Waxaa lagu soo warraayaa in Chelsea ay qarka u saaran tahay saxiixa Edin Dzeko.

Blues waxaa ka go’an  in xiddigga ay dhamaadka bishan keento, xilli lala xiriirinayo ciyaaryahano badan hadana waxaa diiradda u saaran dhammeytirka heshiiska weeraryahankan.

Wakiilka Basnian-ka hore waxa uu u sheegay in laacibka ku adkeysanayo joogidda Stadio Olimpico, balse dhaliyihii hore ee City waxa uu ku dhawyahay ku biiridda Stamford Bridge.

Sida laga soo xiganayo Sky Italy, Chelsea heshiis ayey la gaartay Roma.

Sidoo kale Emerson Palmieri ayaa la filayaa in uu u raaco galbeedka London.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close