“Arsenal waa ay ka shalaayi doontaa iibka Alexis Sanchez” – Willian

(London) 24 Jan 2018 Laacibka Chelsea ee Willian ayaa eedeeyay Arsenal kadib markii ay iska iibisay laacibkoodii Alexis Sanchez.

Gunners ayaa isbuucaan ka iibisay Alexis Sanchez kooxda Manchester United, xili qandaraaskiisa uu ka harsanaa wax ka yar 6-bilood.

Image result for Willian Alexis Sanchez

Willian ayaa rumaysan in Arsenal ay qalad ku ahayd inay iska dirto Sanchez, wuxuuna intaa ku daray in ay ka shalaayi doonto iibkii ay ka iibisay Manchester United.

“Inaad wayso ciyaartoy nuucaan oo kale ah ma ahan wax fudud, Arsenal waa ay ka shalaayi doontaa iibkii Alexis Sanchez kaas oo lamid ah sida Hazard uu anaga noo yahay” ayuu yiri Willian ka hor kulanka caawa.

“Sanchez waa laacib wayn, ma jiro qof doonaya inuu waayo ciyaartoy nuuciisa oo kale ah kuwaas oo kaa caawinaya inaad guulaysato”.

“Arsenal waxay haysataa ciyaartoy cajiib ah laakiin Sanchez waa xiddig gaar ah” ayuu sii raaciyay laacibka Chelsea.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close