Arsenal oo dalabkii labaad ka gudbisay Pierre-Emerick Aubameyang (Maxaa u dhexeeya labada kooxood?)

(Dortmund) 24 Jan 2018 Arsenal ayaa ugu danbayntii dalabkii labaad ka gudbisay weerar yahanka Borussia Dortmund ee Pierre-Emerick Aubameyang.

Labada kooxood ayaa haatan u muuqda kuwo aad isugu dhaw marka laga fiiriyo is afgarashada ku aadan in la dhameeyo heshiiska suuqa bishaan Janaayo.

Image result for aubameyang giroud

Wariyaha Evening Standard ee James Olley ayaa shaaciyay in Arsenal ay hor dhigtay Dortmund lacag dhan 50 milyan oo Ginni si ay u hesho Aubameyang.

Borussia ayaa doonaysa 55 milyan oo Ginni, waxaana haatan labada kooxood u dhexeeya lacag dhan 5 milyan oo kaliya.

Dortmund ayaa doonaysa in Olivier Giroud uu qayb ka noqdo heshiiska laakiin Arsenal ayaa ka soo horjeeda taas, waxayna dalbanayaan in lagu heshiiyo lacag oo kaliya.

Ma jiro is afgarad dhab ah oo ilaa haatan lawada gaaray, laakiin Pierre-Emerick Aubameyang ayaa bartiisa Twitter-ka si maldahan ugu xaqiijiyay inuu jecelyahay Arsenal kadib markii uu so qoray “xxxxxxL” oo noqonaysa ARSENAL.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close