Sanchez oo xirtay Maaliyada NO.7 ee Man United…(Goormaa la soo bandhigayaa, Goormuuse u ciyaarayaa kulankiisii ugu horreeyay??)

(Manchester) 22 Jan 2018. Alexis Sanchez ayaa ka gudbay Tijaabada caafimaad ee Manchester United waxaa xitaa la soo helay Sawir uu ku galay Maaliyada No.7 ee kooxdiisa cusub.

Balse goormaa si Rasmi ah loo soo bandhigayaa goorma ayuuse kulankiisii ugu horreeyay u ciyaarayaa Red Devils.

Laacibka reer Chile ayaa lagu wadaa in la soo bandhigo Maanta oo Isniin ah.

Alexis Sanchez

Sidoo kale Arsenal ayaa iyana lagu wadaa inay isla maanta soo bandhigto Mkhitaryan oo isna qeyb ka ah heshiiska is weedaarsiga labada laacib.

Alexis Sanchez ayaa la filayaa inuu kulankiisii ugu horreeyay u safto Man United Jimcaha soo socda marka ay wareega afaraad ee FA Cup la ciyaari doonaan kooxda yar ee Yeovil.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close