Emerson Palmieri iyo Edin Dzeko oo maanta ku biiraya Chelsea?

Maxaa ka dhan kara?

(Roma) 22 Jan 2018 – Waxaa lasoo werinayaa in heshiis lagu wada qaadanayo joogga Roma ee Emerson Palmieri iyo Edin Dzeko maanta oo Isniin ah lala gaari karo kooxda Chelsea.

Sida ku dhigan CalcioNews24, wada hadalkan oo lagu kala helayo €60m ayaa maanta halkiisii ka bilaabmay.

Webku wuxuu sheegayaa in Dzeko aanu ku faraxsanayn in Giallorossi diyaar u tahay inay iibiso maaddaama uu is lahaysiiyay joogitaanka caasimadda Talyaaniga.

Sidaa darteed, sidaa darteed “meesha lagama saari karo la yaab dhaca”, waloow aysan diidmada Bosnian-kani hor joogsanaynin wareegitaanka Emerson.

Yeelkeede, CalcioNews24 ayaa ka digaya in iibinta Dzeko ay dib u furi karto in Radja Nainggolan oo Shiinaha laga dalbanayo uu isna ka tago kooxdaasi.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close