XOG: Real Madrid oo Kane ka dhigi doonta xiddigga dunida ugu qaalisan

(Madrid) 21 Jan 2018. Real Madrid waxa ay qorsheeneysaa in ay dalab £200m ka gudbiso Harry Kane si ay u keento Santiago Bernabeu.

Waxa uu noqon doonaa xiddigga dunida ugu qaalisan.

The Sun, waxa ay qortay in Real diiradda saaratay kaliya weeraryahanka Tottenham, kaas oo lagu wado in uu rikoorka ka jabiyo Paris Saint-Germain laacibkeeda Neymar oo iminka ah kan dunida ugu qaalisan.

Sida ay qoreyso Majaladda, Kane oo ka mida xiddiggaha uu rabo Daniel Levy in uu ku dhiso mustaqbalka Spurs ayaa qorshuhu yahay in qandaraas cusub laga saxiixo.

Hadda Harry waxa uu Spurs mushaar ahaan asbuucii ka qataa £120,000 balse waxaa la filayaa in loogu daro £80,000.

Madaxweyaha Real Madrid Florenttino Perez waxa uu raba dib u habeyn in uu ku sameeyo kooxdam xiddiggaha diiradda u saaran waxaa ka mid ah Neymar, Robert Lewandowski iyo Eden Hazard

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close