WAR CUSUB: Rafinha oo kasoo degey Milano isagoo berri Inter caafimaadka u maraya (Daawo)

(Milano) 21 Jan 2018 – Laacibka khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Rafinha ayaa kasoo degey Milano kahor ku biiristiisa kooxda  Inter Milan isagoo daawanaya kulanka mardhow bilaabmaya ee Inter-Roma.

Laacibkan reer Brazil ayaa soo caga dhigtay garoonka Malpensa Airport halkaasoo ay ku salaameen taageerayaashu, balse ma hadlin oo waxaa lagula cararay baabuur.

Rafinha ayaa lagu wadaa inuu berritoole caafimaadka u maro looxdiisa kahor inta aanu saxiixin heshiis amaah ah oo taxnaanaya ilaa Juun 2021. Haddii loo bogo ayaa dhamaadka fasalkan lagu iibsan doonaa qiyaastii €35m.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close