Juan Mata oo bilaash ugu biiri kara kooxdan

(Valencia) 21 Jan 2018. Waxaa lagu soo warramayaa in ay Valencia dooneyso dib Juan Mata in ay ugu soo celiso Spain, oo ay waliba bilaash ku heleyso.

Sida ay qabto The Sun, Juan Mata oo uu ka dhacayo qandaraaska uu Red Devils kula jiro dhamaadka ololahan ayaa lala xiriirinayaa in uu ku laabanayo kooxdiisii hore.

29 jirka sanad xulasho ah ayuu leeyahay oo loogu kordhin karo qandaraaska, waa haddii ay United sidaas u baahato.

Hase ahaatee, wararku waxa ay sheegayaan in United aysan dan iyo heelo ka lahayn sii joogiddiisa.

Spaniard-ka afar sano iyo bar ayuu la qaatay Valencia kahor inta uusan 2011 Chelsea ugu soo biirin £23.5m.

Man United 2014kii ayuu ugu yimi aduun dhan £37.1m.

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close