HORDHAC: Inter Milan vs AS Roma

(Italy) 21 Jan 2018. AS Roma ayaa u soo safreysa San Siro iyadoo wajihi doonta tababarahoodii hore ee Luciano Spalletti kaa oo iminka horkacaya Inter Milan:

Kulanka waxaa xiiso gaar ah u yeelaya in Inter ay saddex dhibcood oo qura ka sarreyso Roma oo uu weli kulan baaqi u yahay xilli ay ku tartamayaan afarta sare.

Wararka Labada dhinac:

Daafaca Danilo D’Ambrosio ayaa la filayaa inuu dib ugu soo laabto Inter kaddib dhibaato uu ka qabay seedka Jilibka.

Assane Gnoukouri iyo Zinho Vanheusden ayaa ka wada maqnaan doona kooxda ka arrimisa San Siro.

Rick Karsdorp ayaa dhaawac uga maqnaan doona Roma halka uu sidoo kale kulanka seegi doono Gregoire Defrel.

Ogeysiiska Ciyaarta:

Kulanka: Inter vs Roma (Serie A)

Goobta: San Siro

Goorta: 10:45 Habeenimo

Garsoorka: Davide Massa (Italy)

Xaqiiqooyinka Kulanka:

Markii ugu horreysay labo xilli ciyaareed oo xiriira ah Taariikhda, Roma ayaa adkaan karta labadeeda kulan ay bannaanka kula soo ciyaarto kooxaha ka dhisan Milano ee Inter iyo Milan.

Inter Milan ayaan wax guul ah gaarin shantii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka Serie A (3-bar baro iyo 2-guul darro) waana toodii ugu xumeyd tan iyo bishii May.

Inter ayaan laga adkaan 20 ka mid ah 22-keedii kulan ee ugu dambeeyay.

Safafka Macquulka ah ee Inter vs Roma:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close