Cristiano Ronaldo oo aflagaadeeyay Messi “Waa mid xun” (Sheeko dhex martay isaga iyo cunug yar ka hor kulankii caawa)

(Madrid) 21 Jan 2018 Laacibka Real Madrid ee Ronaldo ayaa aflagaadeeyay Lionel Messi kaas oo ay si wayn ugu tartamaan saaxada kubadda cagta.

Sida ay baahisay Marca, sheeko cajiib ah ayaa dhex martay Ronaldo iyo wiil yar oo uu gacanta ka haayay intii aan la soo galin garoonka kulankii caawa.

Kaamirooyinka ayaa soo qabtay kaftan iyo qosol dhex marayay Cristiano Ronaldo iyo wiilka yar ee uu gacanta ka haayay.

Wiilkii ayaa bilaabay sheekada wuxuuna ku yiri Ronaldo isaga oo amaanaya: “Ani ahaan adiga ayaa ii ah laacibka ugu fiican adduunka, Messi……”, halkaas markii uu marinayo wiilkii ayaa aamusay balse Ronaldo ayaa u dhamaystiray hadalka oo yiri: “Waa mid xun”.

Ilmihii kale ee ku sugnaa goobta ayaa qayb ka noqday dooda, mid ayaa yiri: “Waaba kan ugu xun” oo uu ula jeedo Messi.

Ciyaartoyda Real Madrid oo uu ku jiro Ronaldo ayaa markaas kadib qosol ooda goostay sida Marca ay ku sheegtay warbixinta.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close