Wenger oo ugu danbayntii xaqiijiyay in Alexis Sanchez uu joogo magaalada Manchester

(London) 20 Jan 2018 Tababaraha kooxda Arsenal oo goor dhaw qabtay shirka jaraa’id ee kadib guushii Crystal Palace ay kooxdiisu ka gaartay caawa ayaa ka hadlay arinta Sanchez.

Arsene Wenger ayaa xaqiijiyay in Alexis Sanchez uu ka tagay Arsenal maanta isla markaana uu u safray dhanka magaalada Manchester.

Wuxuuna intaa ku daray in Henrikh Mkhitaryan uu soo marayo dhankooda, isaga oo sii raaciyay in 48-saac gudahood lagu dhamayn doono heshiiska.

“Sanchez wuxuu baxayaa oo kaliya marka Henrikh Mkhitaryan uu halkaan imaado, taas waxaa la go’aamin doonaa 48-saac ee soo socota” ayuu yiri Wenger.

“Sanchez maanta lama joogin kooxda waayo wuxuu ku sii jeeday woqooyiga ingiriiska (Manchester), waxaan filayaa inay dhamaystirmi doonto laakiin ma awoodo inaan xaqiijiyo”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close