Totti oo ka kaftamay wararka sheegaya in Edin Dzeko ku biirayo Chelsea…..Muxuu yiri?

(Rome) 20 Jan 2018.Agaasimaha Roma Francesco Totti ayaa ku kaftamay wararka Edin Dzeko la xiriirinaya Chelsea maanta.

Warar badan oo aysan beeniyey Roma ayaa jira kuwaas oo sheegaya in Blues €50m + €10m ku dooneyso Dzeko iyo Palmieri.

Maanta agaasimaa ciyaaraha Monch shirkiisii jaraa’id waxa uu ku yiri “Meesha arintaas kama saareyno”.

Tan iyo markii uu agaasime u noqday Totti, wuu raaci jiray Monch taas oo ka dhigan in uu kooxda ula safray Milan oo ay berry kula leeyihiin kulan Inter Milan.

Taas oo ay jirtu ayey Kaamiradu qabatay Totti oo ku kaftamaya “Tareenkan ma aado London. Miyuu aaada?”

Dzeko inta uu qoslay ayuu ku jawaabay “Wali maya!”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close