Qaar ka mid ah ciyaartoyda Real Madrid oo ku cadaadinaya Perez inuu kooxda keeno Neymar (Yaa ka mid ah?)

(Madrid) 20 Jan 2018 Qaar ka mid ah ciyaartoyda ugu tunka wayn kooxda Real Madrid ayaa ku cadaadinaya madaxwaynehooda Florentino Perez inuu keeno Neymar dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Mundo Deportivo ayaa baahisay in seddex laacib oo ka tirsan Real Madrid ay cadaadis ku haayaan Perez si uu u keeno Neymar.

Florentino Perez ayaa la sheegay inuu ka labalabaynayay u dhaqaaqida Neymar maadama uu kooxda balan hore uga baxay 2013, markaas oo uu ku biiray cadawgooda Barcelona.

Sergio Ramos oo ah kabtanka kooxda ayaa hogaaminaya cadaadiska ku wajahan Perez, daafacaan ayaa horay u sheegay inuu xili hore la soo saxiixan lahaa Neymar haddii arinku uu ku jiri lahaa gacantiisa.

Marcelo ayaa ah laacibka labaad ee dadaalka ugu jira in Neymar la keeno Real Madrid, maadama ay saaxiibo ku yihiin xulka isla markaana ay si gaar ah isugu dhawyihiin.

Laacibka 3-aad ayaa ah Isco, kaas oo la sheegay inay maalin walba fariimo isku dhaafsadaan taleefanka, taas ayaa ka dhigaysa Neymar inuu soo dhawayn fiican ka helayo Real Madrid haddii uu ku soo biiro.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close