INTER MILAN VS AS ROMA: Labada kooxood oo magacaabay laacibiinta ay habeen dambe….!

(Milano) 20 Jan 2018 – Diego Perotti iyo Maxime Gonalons ayaa ka maqnaan doona kooxda AS Roma oo habeen dambe wajahaysa kooxda Inter Milan, halka Daniele De Rossi aanu weli si buuxda usoo kabanin.

Macallin Luciano Spalletti ayaa isna u yeerey 23 laacib oo Inter ah kusoo ay ka mid yihiin Ranocchia, Miranda iyo D’Ambrosio oo soo kabtay iyo Lisandro Lopez oo markii ugu horreeysey loo yeerey, kaddib kusoo biiristiisa kooxdaasi.

Waxaa kooxda Eusebio Di Francesco, usoo noqday Gregoire Defrel, waxaa kale oo loo yeerey Radja Nainggolan, Edin Dzeko iyo Emerson Palmieri waloow la isla dhexmarayo warar la xiriirinaya inay kooxdooda ka tegi doonaan.

Kooxda Roma ee Inter wajahaysa: Alisson, Lobont, Skorupski; Juan Jesus, Kolarov, Moreno, Fazio, Nura, Bruno Peres, Emerson Palmieri, Manolas; Nainggolan, Strootman, Pellegrini, De Rossi, Florenzi, Gerson; Dzeko, Schick, Cengiz Under, Defrel, Antonucci, El Shaarawy

Kooxda Inter ee Roma wajahaysa: Handanovic, Padelli, Berni; Lisandro Lopez, Cancelo, Ranocchia, Santon, Miranda, Dalbert, D’Ambrosio, Skriniar, Nagatomo; Gagliardini, Joao Mario, Vecino, Borja Valero, Brozovic; Icardi, Karamoh, Eder, Perisic, Candreva, Pinamonti

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close