Dhacdo Xanuun badan oo lagu arkay Kulamadii dhawaan la ciyaaray Premier League….+SAWIRRO

(England) 20 Jan 2018. Weeraryahanka West Brom Salomon Rondon ayaa si kuuma kasin ah u jabiyay xiddiga qadka dhexe ee Everton James McCarthy ciyaartii ay dhawaan ku kala bexeen bar baraha 1-1.
Rondon ayaa isku diyaarinayay inuu kubbada laado markii uu talaakada u dhigay McCarthy intii lagu guda jiray ciyaartii ka dhacday Goodison Park.
Laakin xiddiga West Brom ayaa halkii uu kubbada laadi lahaa darbeeyay lugta xiddiga reer Republic of Ireland taa oo keentay inay lugta si xun uga jabto isla markaana uu dhulka ku dhoco.
Isla markii uu Rodon arkay wixii dhacay iyo sida ay noqotay lugta McCarthy, Wuxuu ceshan waayay Ilinta oo ooyin ayuu jabsaday.
Intaa kaddib laacibka ayaa ka tuugay garsoore Stuart Attwell inuu u yeero qolooyinka caafimaadka si loo caawiyo xiddiga dhibtoonaya:
DAAWO SAWIRRO:
Gool FM.