DAAWO: ”Waa inaan ciyaaraha dilnaa xilli fiican” – Gattuso

(Milano) 20 Jan 2018 – Gennaro Gattuso ayaa AC Milan ku boorriyay inay “ciyaaraha dilaan” isla markaana ay Cagliari ku wajahaan qaab adag, isagoo sheegay inuusan diri doonin Andre Silva iyo Manuel Locatelli.

“Kooxdu waa dadaalaysaa waana shaqaynaysaa, waxaana rajaynayaa inaan sii amba qaadi karno bandhigyadeennii noogu dambeeyay,” ayuu shirkiisa jaraa’id ka sheegay Gattuso oo berri wajahaya Cagliari.

“Waa run inaan u baahan nahay inaan fursadeheena ka faa’iidaysanno oo ana ciyaaraha dilno. Balse marba tillaabo ayaannu qaadaynaa.” ayuu raaciyay.

Gattuso ayaa la waydiiyay inuu baaqi kusii ahaan doono AC Milan fasalka xiga, kaddib warar ay maanta qorayeen wargaysyo uu ka mid yahay Tuttosport oo sheegay in Maurizio Sarri loo dhiibi doono.

“Waa inaan isku dayaa badinta ciyaar kasta, balse muhiimaddaydu ma aha inana halkan sii joogo. Waxaan dareensan nahay inay mas’uuliyadi iga saaran tahay kooxdan. Waana iga dhab ee iska hadal uun igama aha.” ayuu raaciyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close