DAAWO: Daaficii hore ee Real Madrid Fabio Coentrao oo u OOYAY sidii Canug Yar!!!!

(Lisbon) 20 Jan 2018. Sporting CP ayaa gool madi ah ku hogaamineysay Vitorial Setubal ciyaartii ay Jimcaha u safreen, iyadoo marti galiyayaasha ay Rigoore heleen diqiiqadihii lagu daray ciyaarta iyagoona gool u badelay.

Fabio Coentra ayaa la badelay kaddib markii la dhaliyay goolka bar baraha waxaana la arkayay isagoo si cad u carreysan.

Daaficii hore ee Real Madrid ayaa si daran u garaacay meesha ay fariistaan ciyaartoyda badelka, dabadeedna wuu fariistay isagoo ooynaya madaxana gacmaha saartay.

Bar-baraha oo lagu daray guusha ay soo gaartay FC Porto ayaa ka dhigan in Sporting CP ay lumisay hogaanka horyaalka Portugal.

Halkan ku DHUFO oo daawo sida uu u OOYAY Fabio Coentra:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close