HORDHAC: Brighton vs Chelsea

(England) 20 Jan 2018. Chelsea ayaa maanta u safreys Brighton & Hove Albion
iyadoo ay ka maqan yihiin weeraryahannadeeda Morata iyo Pedro.

Wararka Labada dhinac:

Chelsea ayaa waxaa ka maqnaan doona weeraryahannadeeda Alvaro Morata iyo Pedro kuwaa oo kaararka cas qaatay intii lagu guda jiray kulankii FA Cup ay Rigoorooyinka dirqiga uga adkaadeen Norwich arbacadii.

Gary Cahil iyo Cesc Fabregas ayaa iyana maqnaan doona sababo la xiriira dhaawacyo Muruqa ah.

Yeelkeede, Antonio Conte ayaa xaqiijiyay in Ross Barkley markii ugu horreysay lagu soo dari doono shaxda kooxda.

Brighton waxaa markale ka maqnaan doona Steve Sidwell kaa oo ka jabay Canqowga xilli uu ka soo kabanayo qalliin dhabarka ah.

Ogeysiiska Ciyaarta:

Kulanka: Brighton vs Chelsea (Premier League)

Goobta: The American Express Community Stadium

Goorta: 3:30 Galabnimo

Garsoorka: Jon Moss (England)

Kulamada Fool ka Foolka:

Brighton ayaa guul darreysatay 7-dii kulan ee ugu dambeeyay ay la ciyaarto Chelsea dhammaan tartamada, Lix ka mid ahna waxay ku guul darreysatay inay shabaqeeda tagto.

Kulankii Premier League ee Boxing Day ay Chelsea ku adkaatay 2-0 ayaa ahaa kii ugu horreeyay ay labada kooxood ku kulmaan tan iyo 1989.

Guusha kaliya ay Brighton ka gaartay Blues ayaa imaanaya kulankoodii ugu horreeyay 1933, kolkaa ay ku martay 2-1 kulan garoonkeeda ka dhacay oo ka tirsanaa FA Cup.

Safafka Macquulka ah ee Brighton vs Chelsea:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close