XOG: Emerson Palmieri oo heshiis afka ah la gaarey Chelsea
Roma & Chelsea oo aan weli heshiinin

(Roma) 19 Jan 2018 – Dadabka bidix ee AS Roma Emerson Palmieri ayaa sida lasoo werinayo tibxaha heshiiska la gaarey kooxda Chelsea, isagoo ogolaaday heshiis 4-5 sano.
Sida ku dhigan Tuttomercatoweb, Emerson ayaa fasalkii qaadan doona €2.5m haddii uu heshiiskiisa Chelsea sidii la rabey u shaqeeyo.
Yeelkeede, webka ayaa sheegaya in farqi uu weli jiro kaasoo ah €5m oo euro, iyadoo ay Blues joogto €20m, halka Giallorossi ay dalbanayso €5m si ay u fasaxaan Italo-Brazilian-kan, haba noqotee in qaab abaalmarin ahaaneed loo bixiyo.
Gool FM