“XANUUN”, – Wenger oo sheegay ku biirintaankii Van Persie ee Man United iyo Sanchez oo hadda lagu wado midka u XANUUN badan Gunners!

(London) 19 Jan 2018. Tababaraha Arsenal – Arsene Wenger waxa uu is bar bar dhig ku sameeyey qaabkii uu Robin Van Persie uga tagay iyo sida hadda la filayo in Alexis Sanchez uga dhaqaaqo.

2012kii ayey Van Persie ka iibiyeen Manchester United taas oo aad u xanuujisay taageereyaasha Gunners.

Yeelkeede, Wenger waxa uu cadeeyey in Sanchez tiisa ka xanuun yartahay tii Van Perise maadama ay Hollan-diiska isaga oo da’yar la soo wareegen.

“Van Persie waxaan la soo saxiixannay isaga oo u ciyaara da’yarta Feyenoord, wax u dhigma saddex million,” ayuu u sharraxay wariyeyaasha xilli uu shir jaraa’id qabanayey.

“Shaqo aad u adag ayaan ka qabanay si aan ciyaartiisau horumarino waxa ugu adag in aad liqdo waxa weeye in ay kaa tagaan kaddib marka aad ka caawiso heerkaas in ay gaaraan.

“Jamaahiirteena wey ogaayeen in Alexis dheereyn doonin qandaraaska, xaqiiqada ah in dhaq dhaqaaqiisa suuqa hal wado ahay ayaa ka dhigaya mid xanuun yar, waxaan lumineynaa hal kubad ciyaare laakiin waxaan ku guuleysaneynaa mid kale.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close