Wararkii ugu danbeeyay ee arinta Sanchez, Mkhitaryan, Aubameyang iyo Malcom

(London) 19 Jan 2018 Maanta ayaa isha lagu hayaa waxa ka soo kordha saxiixyada Sanchez iyo Mkhitaryan kuwaas oo la filayo inay ku kala biiraan Man United iyo Arsenal.

Laakiin warar haatan soo baxay ayaa sheegaya in ilaa haatan uusan jirin isbadal la taaban karo oo maanta la sameeyay, labada laacib ayaana si caadi ah tababarka ula qaatay kooxa hooda.

Wariyaha BBC Sport u qaabilsan Arsenal ee David Ornstien ayaa sheegay inaan wax hormar ah laga samayn maanta arinta Sanchez iyo Mkhitaryan.

Wuxuu intaa ku daray in wali howshu ay socoto, wuxuuna sii raaciyay in heshiiska Mkhitaryan uusan wali horay u dhaqaaqin inkasta oo la filayo in la dhameeyo.

Ornstien ayaa warkiisa ku daray in Arsenal ay ku rajo wayn tahay dhamaystirka saxiixa Mkhitaryan iyo Aubameyang, laakiin Arsenal ayaa ka baxday doonistii Malcom maadama uusan lahayn khibrad.

Xaqiiqda ayaa ah in labada laacib aysan u suuro gali doonin inay u ciyaaraan kooxohooda cusub kulamada ay ciyaarayaan barri oo sabti ah maqribnimadii.

Dhanka kale Di Marzio ayaa sheegay in Pierre-Emerick Aubameyang uu nafsad ahaantiisa aaminsanyahay inuu yahay laacib ka tirsan Arsenal, isla markaana uusanba isku arkin inuu ka tirsanyahay Borussia Dortmund.

Laacibka ayaa shuruuda gaarka ah kala heshiiyay Arsenal, balse Dortmund ayaa dalbanaysa 60 milyan oo euro iyo inay sii haysato laacibka inta ka harsan xiliciyaareed kaan.

Warar dheeri ah oo laga helayo Chile ayaa sheegaya in Alexis Sanchez uu tijaabada caafimaadka u mari doono United goor dambe oo maanta ah.

F.G: Wax walba oo ku soo kordha wararkaan sida ugu dhaqsiyaha badan ayaan idinkugu soo gudbin doonaa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close