“War uma qalantid heshiiska laguu kordhiyey”, -Pique iyo Casillas oo isku galay Instagram-ka waxyar kaddib markii uu qandaraas cusub saxiixay daafaca Barca…..Maxaa la’isku maagay?

(Madrid) 19 Jan 2018. Kaddib markii la xaqiijiyey in Gerard Pique qandaraas cusub oo dhacaya 2022-ka u saxiixay Barcelona, Iker Casillas waxa uu ku kaftay in uusan abaalmarintaas u qalmin.

Labada ciyaaryahan waxa ay ahaayeen saaxiibo isku wanaagsan garoonka dibadiisa.

Kaftanka waxa uu bilowday kaddib markii uu Casillas soo dhigay  sawir Photoshop ah oo uu galay yaraantiisii , Pique durbadiiba wuu ka soo hadlay.

“Kabahaas waa dambiileyaal,” ayuu yiri.

Jawaabta uu  iyey goolwalihii Real Madrid waxa ay ahayd mid kaftan ah.

“Si kastaba, heshiiska aad cusboonesiisay uma aadan qalmin.

Ma aha markii ugu horreeysay in labadooda kaftan ku dhexmaro baraha bulshada oo muujineysa saaxiibtinimadooda – 2016kii ayuu ku doodeen ciyaaryahanada ugu wanaagsan aduunka.

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close