Wakiilka Edin Dzeko oo ka hadlay wararka la xiriirinaya Chelsea

(London) 19 Jan 2018 Wakiilka weerar yahanka Roma ee Edin Dzeko ayaa ka hadlay wararka la xiriirinaya kooxda Chelsea oo si wayn u doonaysa.

Chelsea ayaa la sheegay inay dalab ka gudbisay Edin Dzeko, balse wakiilkiisa ayaa cadeeyay in laacibku uu doonayo inuu sii joogo Roma.

Image result for Edin Dzeko Chelsea

Wakiilka oo u muuqday mid wax qarinaya ayaa sheegay in sharcigiisa aysan ku jirin inuu daaha ka qaaday waxyaabaha qaar ee ku saabsan suuqa kala iibsiga.

Wuxuuse xaqiijiyay in tababare Antonio Conte uu jecelyahay weerar yahanka reer Bosnia ee Edin Dzeko, kaas oo 2-gool ka dhaliyay Chelsea wareegii guruubyada ee koobka horyaalada yurub.

“Xaqiiqda ayaa ah in Edin Dzeko uu doonayo inuu sii joogo Roma” ayuu yiri wakiilka weerar yahanka kooxda Roma.

“Miyaan la hadlay Conte ama Chelsea? Sharcigayga ayaa la micno ah in aanaan daaha ka qaadi karin waxyaabaha qaar ee ku saabsan suuqa kala iibsiga”.

“Waxa kaliya ee aan ka dhihi karo arinkaas ayaa ah in Antonio Conte uu jecelyahay Edin Dzeko” ayuu sii raaciyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close