Man United albaabada ka xiratay Ronaldo

(Manchester) 19 Jan 2018. Waqti yar uun ayaa ka xiga in Manchester United ku dhawaaqdo saxiixa Alexis Sanchez kaas oo ay Arsenal uga bedeleneyso Henrikh Mkhitaryan

Laacibka reer Chile waxa uu noqon doonaa laacibka ugu mushaarka qaalisan Premier League-ga isaga oo qaadan doona  16 million euros xilli ciyaareedkii.

Imaanshaha xiddiggan waxa ay gabi’ahaanba meesha ka saari doontaa rajadii Ronaldo ee ku soo laabashada Old Trafford.

Mourinho iminka dan iyo heelo kama leh saxiixa Ronaldo.

Taas waxa ay keentay in Red Devils albaabada ka xirato Cristinao Ronaldo oo Old Trafford halyey ka ah.

Alexis waxa uu United ka xoojin doonaa duullaanka oo ay hore u joogeen Marcus Rashford, Juan Mata, Romelu Lukaku, Anthony Martial, Jesse Lingard iyo Zlatan Ibrahimovic.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close