Taageerayaasha PSG oo xalay si xun ugu OORIYAY Neymar…(Maxaa dhacay?)

(Paris) 18 Jan 2018. Neymar ayaa xalay afarleydii ugu horreysay u dhaliyay PSG kulankii ay sideeda gool ku xaaqeen Dijon balse saas ay tahay Taageerayaasha ayaa si xun ugu ooriyay.

Xiddiga reer Brazil oo soo dhaliyay saddex gool ayaa isku dhajiyay Rigoore uu siin karay saaxiibkii Cavani taa oo Taariikhda u gali lahayd.

Dhaliyaha reer Uruguay ayaa kulanka dhaliyay hal gool haddii uu Rigoorada dhalin lahaa wuxuu noqon lahaa laacibka ugu goolasha badan taariikhda kooxda PSG oo wuxuu ka sara mari lahaa Ibrahimovic oo ay iminka wada leeyihiin 156-gool.

DAAWO:

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close