Shirkadda Diesel oo muluqyada Milan ku casuuntey iidheh cusub

(Milano) 18 Jan 2018 – Tan iyo sanadkii tegey, sharikadda dharka iyo xarragada ee Diesel fashion oo uu leeyahay Renzo Rosso, ayaa ka mid ah sponsors-ka rasmiga ah ee AC Milan, taasoo ay ka taageerto dhanka dharka caadiga ah ee lebbiska sida saraawiisha, jaakadaha, kabaha iwm.

Maanta ayay Diesel iyo Milan waxay faafiyeen muuqaallada naqshad cusub oo ay Milan adeegsan doonto kuwaasoo ay ku jiraan jaakado, funaanado adag, kuwo fudud iyo kuwo kale, oo loogu tala galay inay sidoo kale iibsadaan taageerayaasha Rossoneri.

Diesel ayaa soo saartay qayb ay ugu magac dartay ‘Diesel X AcMilan’ taasoo ay xayaysiinayaan da’yarta kooxda Rossoneri sida Manuel Locatelli, Patrick Cutrone, Davide Calabria iyo Niccolò Zanellato, iyadoo uu ka maqan yahay Gianluigi Donnarumma, balse AC Milan ayaa la sheegayaa inay guddoonsatey inay fursad siiso da’yarta Rossoneri.

 

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close