Lingard oo riday QISH wayn in Sanchez uu marayo Tijaabada Caafimaad ee Man United

(Manchester) 18 Jan 2018. Jesse Lingard ayaa riday Qish Wayn in Alexis Sanchez uu tijaabada caafimaad u marayo Manchester United kaddib markii uu taageerayaasha kula kaftamay Muuqaal uu soo dhigay baraha bulshada.

29-jirka reer Chile ayaa la filayaa inuu 24-ka saacadood ee soo socda dhammeystiro heshiiska uu ugu soo dhaqaaqayo Old Trafford, kaddib markii uu Wenger xaqiijiyay inay u badan tahay heshiis is dhaafsi Henrikh Mkhitaryan ah.

United ayaa diyaar la ah in Sanchez ay ka dhigto laacibka ugu mushaarka badan taariikhda kooxda iyadoona u gacan galin doonta Lambarka ay ka dambeyso ee No.7.

Lingard 25-jir ayaa saakay ku soo hadlay bogga Instgramka ee kooxda Man United wuxuuna si kaftan ah u riday Qish ah in laacibka reer Chile uu ku u sugan yahay xerada tababarka si uu Tijaabada caafimaad u maro.

“Subax wanaagsan Dhakhtar,” Lingard ayaa sidaa yiri.

“Oh Hello – Soo dhowoow, Ma fiican tahay? Sidee tahay?

“Waxaan rajeynayaa inaad ku raaxeysanayso waqtigaaga halkan, ku raaxeyso Tijaabada caafimaad.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close