Juventus oo xaqiijisay in ay Emre Can…….?

(Turin) 18 Jan 2018. Agaasimaha guud ee Juventus, Giuseppe Marotta waxa uu xaqiijiyey in ay daneenayaan dhexda Liverpool ee Emre Can.

24 jirka waxa uu dhawaan isku dayey in uu beeniyo xanta la xiriirineysa ka tagidiisa Anfield.

Juve waxa ay isku dayi doontaa in ay Can ku qanciso in uu Turin yimaado iyada oo hadda xaqiijiyey arinkaas.

Sky Sports Italia waxa ay ka soo xigatay Marotta: “Emre waa ciyaaryaha kaas oo uu qandaraaskiisa dhacayo, markaa waxa ay noo ogolaaneysaa in aan ku dhawaannoo oo aan wadaxaajood la furno waana tallaabada aan qaadnay.

“Dhihi maayo in uu heshiis u saxiixayo Liverpool laakiin waxaan isku dayyi doonaa in aan helno ciyaaryahankaas. Caadiyan, waa in aan xushmeynaa waxa ciyaaryanki rabo.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close