Faah faahinta heshiiska Aubameyang uu ugu biirayo Arsenal oo la shaaciyay (Imisa ayuu mushaar u helayaa?)

(London) 18 Jan 2018 Arsenal ayaa heshiis la gaartay weerar yahanka Borussia Dortmund ee Pierre-Emerick Aubameyang si ay ugu buuxiso booska Alexis Sanchez.

Saxaafada ingiriiska ayaa horay u shaacisay in Pierre-Emerick Aubameyang uu shuruuda shaqsiga ah kala heshiiyay Arsenal horaantii isbuucaan.

Image result for aubameyang vs Arsenal

Balse Gianluca Di Marzio ayaa daaha ka qaaday faah faahinta heshiiska Pierre-Emerick Aubameyang uu ugu biirayo kooxda Arsenal.

28 jirka reer Gabon ayaa u saxiixaya Arsenal heshiis 3-sano iyo bar ah (ilaa 2021), oo sanadkii uu ku qaadanayo mushaar dhan 3.5 milyan oo euro.

Borussia Dortmund ayaa ka doonaysa Arsenal 60 milyan oo euro iyo inay sii haysato laacibka inta ka harsan xiliciyaareed kaan.

Laakiin Arsenal iyo Aubameyang ayaa doonaya in heshiiska la dhameeyo isla bishaan isla markaana laacibku uu u dhaqaaqo ingiriiska.

Image result for Giroud vs Dortmund

Arsenal ayaa adeegsanaysa xeelad ay ku qancinayso Borussia, waxay diyaar u tahay inay siiso kooxda reer Jarmal weerar yahanka reer France ee Giroud si Dortmund ay uga maaranto weerar yahanka reer Gabon bishaan.

Labada kooxood ayaa wadahadalo ku balansan barri oo jimco ah, waxaana la filayaa in Arsenal ay si rasmi ah u gudbiso dalabka ay ku doonayso Pierre-Emerick Aubameyang.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close