DEG DEG: Pierre-Emerick Aubameyang oo laga saaray shaxda Borussia ee kulanka Herth Berlin iyo kooxda oo ka hadashay sababta

(Dortmund) 18 Jan 2018 Pierre-Emerick Aubameyang ayaa laga saaray liiska ciyaartoyda Borussia Dortmund ee habeen dambe ka hortagaya Herth Berlin.

Tababaraha kooxda ayaa goor sii horaysay oo maanta ah shir jaraa’id ku sheegay in Aubameyang uu ciyaarayo kulanka habeen dambe haddii uu la safro kooxda.

Laakiin weerar yahanka reer Gabon oo mustaqbalkiisu uusan ilaa haatan kala cadayn ayaa looga tagay magaalada Dortmund, waxaana loo malaynayaa in arinkaan uu xiriir la leeyahay mustaqbalkiisa.

Agaasimaha ciyaaraha Borussia Dortmund ee Michael Zorc ayaa sheegay in Aubameyang uu tababar ku sii qaadanayo Dortmund maadama uusan 100% diirada saarayn kulamada kooxda.

“Aubameyang haatan wuxuu tababar ku qaadanayaa Dortmund, waan arki doonaa intaasi ay isaga caawinayso, waa xaalad aad u adag” ayuu yiri Michael Zorc.

Wargayska Bild ayaa sheegay in Aubameyang uu ku dhawyahay inuu ku biiro kooxda Arsenal bishaan Janaayo.

Muuqaalka hoose waa ciyaartoyda Dortmund oo u safraya Berlin iyo Aubameyang oo aan ku jirin:

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close