Chelsea oo Furtay wada hadalo ay kula soo saxiixaneyso Eden Dzeko

(London) 18 Jan 2018. Chelsea ayaa la furtay AS Roma wada hadalo ku aadan suuro galnimada ay Bishan ku heli karaan Edin Dzeko.

Kooxda xafidaneysa Premier League ayaa eeganeysa inay Shaxda Antonio Conte ku xoojiyaan weeraryaahan Cusub si uu tartan u galiyo Alvaro Morata kaa oo Lix kulan wax gool ah dhalin.

Chelsea ayaa durba wada hadalo la furatay West Ham oo ku aadan joog dheeraha weerarka kaga ciyaara ee Andy Carroll, waxayna ka fikirayaan sidii ay heshiis joogta ah ugu dhaqaaqi lahaayeen dhaliyaha reer England ee lagu qiimeeyay 20-ka milyan.

Balse, sida uu sheegayo warsidaha Mediaset Premium, Chelsea ayaa furtay wada hadalo ku aadan Dzeko sidii ay ula soo saxiixan lahayd inta ka harsan Bishan Janaayo.

Image result for Morata vs Dzeko

Chelsea ayaa Roma kula jirta wada hadalo ku aadan daafaca reer Brazil ee garabka bidix Emerson Palmier iyo waliba suuro galnimada  ay sidoo kale kula soo saxiixaneyso Dzeko.

Wararka ayaa intaa ku daraya in kooxda reer Talyaani aysan dooneyn inay iska iibiso dhaliyihii hore ee Manchester City maadaama ay weeraryahan la’aan noqoneyso inta ka harsan xilli ciyaareedka.

Laakiin Chelsea ayaa la filayaa inay dalab kale ka gaarsiiso ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.

Dzeko ayaa kal ciyaareedkii tagay ku guuleystay gool dhalinta horyaalka Serie A 29-gool, xilli ciyaareedkana wuxuu dhaliyay 12 gool 26 kulan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close