Akadeemiyadda kubadda cagta ee Global oo daaha ka rogtay tartamo kala duwan+SAWIRRO

Akadeemiyadda kubadda cagta ee Global oo daaha ka rogtay tartamo kala duwan+SAWIRRO

(Muqdisho) 18 Jan 2018-Akadeemiyadda kubadda cagta ee Global ayaa maanta daaha ka rogtay tartamo kala duwan oo ay ka qeyb qaadanayaan dhalinyarada Muqdisho.

Tartamada maanta daaha laga rogay ayaa kala ah moolada nucyadeeda kala duwan (Free Style Soccer Juggling) oo ay ku tartamayaan 9 ciyaartooy oo loo qeybiyay saddex koox,waxaana bar bar socda tartan Juunyar ah oo loo qabanayo lix kooxood.

Shirkadda Hormuud ayaa maal gallineysa tartanka (Free Style-ka,waxaana kooxaha ay ku ciyaarayeen magacyada EVC,TAJ iyo Dhigal.

Munaasibadda furitaanka waxaa ka soo qeyb galay aggaasimaha Wasaaradda dhalinyarada iyo Isboortiga C/laahi Awoow Xuseen,guddoomiyaha kubadda cagta degmada Shibis Mustaf Ibraahim Muuse,Guddoomiyaha Akadeemiyadda kubadda cagta ee Global Xasan Abuukar iyo masuuliyiin kale.

Ciyaaraha  Fre Stle-ka ee Baleejada waxaa daah furay aggaasimaha Wasaaradda dhalinyarada iyo Isboortiga C/laahi Awoow,waxa uuna sheegay in ay farxad u tahay ka soo qeyb galka tartankaan.

Kullankii kubadda cagta ee dhex maray kooxaha juunyarta Som squad iyo NBSS ayaa kusoo dhamaaday 3-2 oo ay guusha ku qaadatay naadiga Som squad.

Xarunta dhallinyarada iyo tababarada Akadeemiyada  kubadda cagta Global ayaa soo saartay ciyaaryahano kala duwan kuwaas oo ka qeyb qaatay tartamada kala duwan ee ka qabsooma dalkeena.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close